Weerarada ay ciidamada Israa’iil ku qaadayaan magaalada Gaza ee dagaalku ka socdo ayaa sii socda iyadoo ugu yaraan 51 falastiiniyiin ah lagu dilay 24-kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay Wasaaradda caafimaadka ee deegaankaas, oo ay ku jiraan dhallaan, carruur yar iyo Haween.
Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ayaa dalbanaya in Xamaas ay sii deyso maxaabiista Israa’iil ee ku xiran Gaza marka uu xafiiska soo galo.
Raiisel wasaaraha Lubnaan Najib Mikati ayaa ku wargeliyay maalgeliyayaasha caalamiga ah heshiiska xabbad joojinta ee Israel iyo Hezbollah ku saabsan
xadgudubyada joogtada ah ee Israel iyadoo ciidamada Lubnaan ay cutubyo geeyaan aagagga koonfureed ee ay ciidamada Israel ka baxeen.
Xasuuqa Israel ee Gaza waxa ku dhintay ugu yaraan 45,936 falastiiniyiin ah, waxaana ku dhaawacmay 109,274 tan iyo Oktoobar 7, 2023.
Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
DOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM0