MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowada Imaaraadka Carabta ayaa maanta munaasabad ka dhacday Muqdisho waxay Dowlada Somalia ku wareejisay Boqolaal tan oo gar-gaar raashin ah.
Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka mudane Maxamuud Macalin ayaa kala wareegay Safiirka Dalka Imaaraadka ee Somalia 700 Tan oo raashin ah.
Advertisement
“Waxaan Imaaraadka kala wareegnay maanta 700 oo tan oo gargaar ah, kuwa kalena waanoola ballanqaaday”.ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta.
Masuulkaan Dowlada ka socday ayaa kaga mahad-celiyay Dowlada Imaaraadka garab istaagooda Shacabka Soomaaliyeed.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement