“Anigu Xoolaha si fican ayaan u kala garanaya oo Xoolaleey ayaan ahay dhoofka Xoolaha waxaa ku nool 5 qeybood oo kala ah kuwa keena kuwa baaburta saara kuwa soo qumiya, kuwa raro iyo kuwa carada u diyaariyo intaas oo qeybood meel ay kuwada nool yihiin in hal nin oo hadana carab ah in loo xiro waa nasijb daro ee madaxweynahu ma carab ayuu madaxweyne u yahay mise Soomaali” ayuu yiri mid ka mid ah ganacsatada Xoolaha ee gobolka Hiiraan.
Xubnahii kala duwana ee ka hadlay kulanka ayaa dhamaantood ku dhaliilay madaxda dowladda in dhoofka Xoolaha u xiraan shaqsi carab ah, taasoo ay ku tilmaameen in dowladdu ay dooneyso iney duugto mid ka mid ah ilaha dhaqaalaha ee dalka.
“Xoolaha waa isha kaliya ee dadka Soomaaliyeed dhaqaalo ka helaan, hadii nin carab ah gacanta loo galiyayna taas macnaheeda waa yaan la noolaanin ee dowladda arinkaas haka fiirsato” ayuu yiri mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee gobolka Hiiraan.
Shirkaan ay Baledweyne ku yeesheen Ganacsatada Dhoofisa Xoolaha Nool, Gaadiidleyda iyo Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay Ku dhawaad 100 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay cambaareeyay go’aanka ganacsadaha Carbeed loogu xiray dhoofinta Xoolaha.
In our fast-paced global, staying linked is important, and running out of battery may be a considerable inconvenience. That's where a reliable power bank...