Wararka ka imaannaya Xafiiska Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya Mustafa Duhulow, ayaa sheegaya in uu kulan la yeeshay Xubno ka socda Safaarradda dowlada Hindiya ee ku leedahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wararka ku aadan kulankaas ayaa sheegaya in Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda kulankii uu la qaatay diblumaasiyiin ka socotay Safaarradda dowlada Hindiya ee ku leedahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya., uu kala hadlay xaalada Somalida aada dalkaas oo dhibaatooyin badan kala kulma Dal ku galka dalkaas.
Agaasimaha Guud iyo Diblumaaaiyiinta ayaa isku af garftay in Muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo helitaanka dalku galka dalkaas, madaama dadka ugu badan ay u safraan arrimo la xiriira Caafimaad.
Sidoo kale Diblumaasiyiinta ayaa Sidoo kale, warbixin ka siiyay Agaasimaha Guud halka uu marayo xafiis ay dhawaan ka furi doonaan Muqdisho, looguna adeegi doono muwaadiniinta Soomaaliyeed, si dalku galka Hindiya loogu bixiyo Magaalada Muqdisho.
Tan iyo markii loo magacaabaya Mustaf dhuxulow Xilka Agaasimaha guud ee laanta Socdaalka 12, December 2024 ayaa waxa uu wadaa kulamo uu la yeelanayo shaqaalaha laanta Socdaalka iyo Safaradaha si loo xoojiyo Howsha Culus ee loo dhiibay
Abdihakim Elmi Hassan
Nairobi Kenya
Tell +254-711830393