Muqdisho, Isniin, 06 Janaayo 2025 – Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa kormeer shaqo ku tagay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dhaqanka, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah iyo Wasaaradda Qoyska iyo xuquuqul insaanka., si uu ugu kuurgalo shaqada muhiimka ah ee wasaaradahani u hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Intii uu booqashada ku guda jiray, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa kulammo la yeeshay mas’uuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradahaas, kuwaas oo soo bandhigay warbixino ku saabsan horumarka shaqadooda, caqabadaha jira, iyo qorshayaasha mustaqbalka ee lagu horumarinayo adeegyada ay u hayaan shacabka.
Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta iyo hufnaanta hey’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo in adeegyada la gaarsiiyo shacabka ay noqdaan kuwo hufan oo ka tarjumaya baahiyaha bulshada.
“Kormeerkan wuxuu muujinayaa sida ay Xukuumadda #DanQaran uga go’an tahay in la xoojiyo hay’adaha dowladda si loo hormariyo adeegyada aasaasiga ah ee loo hayo shacabka Soomaaliyeed. Waa muhiim in la taageero wasaaradahan si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka.
Kormeerkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu horumarinayo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hey’adaha dowladda, si loo xaqiijiyo isla xisaabtanka iyo in adeegyo hufan la gaadhsiiyo bulshada Soomaaliyeed.May be an image of 10 people and textMay be an image of 3 people, suit and textMay be an image of 5 people, television, newsroom, dais and textMay be an image of 4 people, speaker, newsroom and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 4 people, hospital, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here