May be an image of 4 people and dais
Siyaasiga baraha bulshada ku firfircoon ee Cali Yarre Cali kana mid ahaa Dowladii hore ee Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo geliyay bartiisa Socila Media wuxuu sharaxaad kaga bixiyay sida Musharaxiinta isku haya xilka Madaxweynaha doorashada soo socota ay tahay inuu ku hanan karo talada dalka.
Qoraalka uu ku jeex jexay Cali Yare arintaan ayuu ku soo bandhigay 4 qodobob oo siyaasigii mid ka mida mara uu si sahlan ku hanan karo xilka ugu sareeya, wuxuna tusaale u soo qaatay 4-ta musharax ee hada ugu cad ee ku loolami doona xilka ugu sareeya kuwaasoo kala ah Xassan Cali Khere oo ah Ra’iisulwasaarihii hore ee Dalka, Madaxweynaha hada talada haya Xasan Sheekh,iyo labada Madaxweyne hore Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Sharii Sheekh Axmed.
Hadaba qoraalka Cali Yarre ayaa sidan u qornaa:-
Markii doorasho laga hadlayo waxaa lagama maarmaan ah in la abla-ableeyo oo dhinackasta marada laga feeydo.
Xaalka afarta talada dalka isku heysata, mid waliba waxaa horyaalla caqabaddan hoos ku qoran, midkii ka gudba ama ugu yaraan dhibcaha ugu badan ka hela 85% ayaana ugu fursad badnaan doona inuu hammiyo talada dalka.
Bal aan eegno:
[1] Haddii uu labada maamul ee Puntland iyo Jubaland taageero ka helo, amaba xataa uu midkood si buuxda oo hagar la,aan ah u helo, reer Waqooyigana uu sidooda weli u sii heeysto, labada shirkadood ee dalka u weyna jaceylka ay u qabaan aanu waxba iska badalin, isaga ayaa ah madaxweynaha soo socda ee dalka.
[2] Hadii aanu sii ahaan “MADI-SIYAASADEED, balse qabiilkiisa kore ee awood-qeybiga ee shalay gacantooda ku dilay ay maanta iimaansadaan amaba xataa uu 30% oo kali ah codadkooda wareegga koowaad ka helo, siyaasiyiinta reer Muqdishana xataa hadduu waayo, calal-aqal ay xataa in ay kala nabad galaan kula heshiiya, hal isbaheysi oo u tanasula meel wax la dhigta, Madaxweyne ayuu noqon karaa waana shaki la’aan 100%.
[3] Haddii u xal u helo xoolo-raadinta xad-dhaafka ah ee hadda xantiiba soo dhaaftay, maamullada uu hadda naftiisa u bixiyana ay u celiyaan abaalka iyo eedda uu dartood u galay, wareegga labaadna uu tanasul ka helo labada tiro-ahaan isaga ku soo xigta midkood, ama Puntland iyo Jubaland mid, kooxdiisuna aanay qayaamin, wuxuu kursiga ku waayaa waa in samada laga diido oo qura.
[4] Haddii uu hadda Xasan shaxda la dhig-dhigto, doorashana ku qasbo, koox olole oo isku-toosan soomaalidana indho-buuxin karana uu helo, Hirshabelle soo xado, sidoo kale, xoogaa Habargidir ah oo maqaayadaha, Meedhiyaha iyo maxfallada Muqdisho magaciisa ka sheeg-sheegta-na meelaha ka soo helo, kursiga madaxweynenimo ninkii kula tartama ayaan anigu baarqab-siyaasadeed u aqaan, waana u wada joognaa haddii aan nolol ku gaarno galabka baratanka.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here