May be an image of 2 people and scarf

NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Booliiska Kenya ayaa soo farageliyay nin dhawaan walaashiis ku jir dilay xaafada Soomaalida ee Islii taasoo ku taal Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya kadib markii qoyska ay dacwoodeen.

Advertisement

Ninka walaashiis garaacay oo Soomaali ah ayaa lagu magacabaa Cabdicasiis Cabdullaahi Daqare wuxuuna ka carooday safar walaashiis ku aaday Dalka Uganda taasoo keentay inuu jir dilo walaashiis ka yar Ridwaan Cabdullaahi Daqare.

Qoyska ay ka dhasheen labadaani Soomaalida ah oo isla dhashay ayaa raba in wiilka sharci la hor geeyo madaama uu walaashiis si xun u jirdilay.

lama yaqaan sida waalidiinta oo arimahooda si hoose ku dhameysan karay ay booliiska cadaalad ka dalbadaan xili lisla qoysku cadeeyay in wiilku ku qanci waayay socdaalka walaashisi ka yar ay ku tagtay dalka Uganda taasoo muujineysa walaashiis u diidadanaa socdaal u u arkayay mid qaldan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here