Kuxigeenka Hantidhowraha Guud ee JFS, Mudane Abdijamal Ismail Mohamed, ayaa furay soona xiray tababar uu wajigiisa koowaad 𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 ee JFS maanta u soo gabagabeeyey agaasimayaasha 10ka hay’adood ee ugu heshiisyo gelidda badan dowladda, kuwaas oo ay shaqadoodu tahay in ay diiwaangeliyaan heshiisyada ay dowladdu gasho.
Tababarkan, oo socday laba maalin, ayaa ku saabsanaa “𝐇𝐢𝐫𝐠𝐞𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐍𝐢𝐝𝐚𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐇𝐞𝐬𝐡𝐢𝐢𝐬𝐲𝐚𝐝𝐚” (𝐂𝐨𝐧𝐭𝐫𝐚𝐜𝐭 𝐌𝐚𝐧𝐚𝐠𝐞𝐦𝐞𝐧𝐭 𝐒𝐲𝐬𝐭𝐞𝐦 – 𝐂𝐌𝐒), taas oo qayb ka ah dedaallada socda ee lagu hormarinayo “Habka Maareynta Heshiisyada Hay’adaha Dowladda.
Advertisement
𝐂𝐌𝐒 waa nidaam looga guurayo habka qadiimiga ah ee diiwaangelinta heshiisyada, iyada oo la adeegsanayo hab dhijitaal ah, kaas oo u taagan horumarinta hagaajinta waxtarka howlaha dowladda, u hoggaansanaanta shuruucda, iyo hufnaanta maareynta heshiisyada dowladda.
Advertisement