Israa’iil ayaa Gaza ku dishay in ka badan 200 oo qof 3 maalmood gudahood iyadoo wadahadallada xabbad joojinta ay dib u bilowdeen
Ciidamada Israa’iil ayaa in ka badan 100 jeer duqeymo ka geystay Gaza muddo saddex maalmood gudahood ah, waxaana ku dhintay in ka badan 200 oo falastiiniyiin ah, iyadoo haween iyo carruur ay u badan yihiin dadka dhintay.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa u soo jeediyay Israa’iil inay hub ka iibiso $8bn, labo toddobaad ka hor inta uusan xafiiska ka tagin, isagoo iska indhatiraya dhaleeceynta ballaaran ee loo jeedinayo tirada dhimashada ee isa soo tareysa ee Gaza.
Wasiirka Difaaca Israel, Israel Katz, ayaa xaqiijiyay in wada-xaajoodyada dadban ee Xamaas ay dib uga bilowdeen Qatar, si loo soo celiyo maxaabiista lagu haysto Gaza.
Madaxa Hezbollah Naciim Qasem ayaa sheegay in kooxda hubaysan ee Lubnaan ay diyaar u tahay inay ka jawaabto xadgudubyada soo noqnoqda ee Israel ee xabad joojinta lagu heshiiyey bishii hore, iyadoo ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Lubnaan (UNIFIL) ay ku eedeeyeen Israel falal “khatar gelinaya” xabbad joojinta.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 45,805 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 109,064 tan iyo October 7, 2023. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay