Sida warbnaahinta Dunidu warineyso Dalka Shiinaha waxaa ka dilaacay Fayrus cusub ama cudur aan la aqoon kaasoo si gaar ah u saameynaya nee-mareenka iyadoo isbitaalada la soo buux dhaafiyay.

Shiinaha ayaa la kulma kor u kaca caabuqyada fayraska neef-mareenka, taasoo horseedaysa cisbitaalo buux dhaafiyay, tillaabooyin deg-deg ah, iyo walaac dadweyne oo ku saabsan dillaaca.

Advertisement

Fayraska, oo loo aqoonsaday inuu yahay metapneumovirus (HMPV), ayaa lagu arkay kiisas ku baahsan gobollada waqooyiga Shiinaha waxaana uu aad ugu daran yahay carruurta.

Quburada durba ka hadashay astaamaha lagu yaqaan ayaa sheegeen inuu yahay sida hargabka balse  uu aad uga qatarsan yahay.

Calaamadaha lagu yaqaan cudurkan cusub waxaa lagu sheegay qandho,quac,daal badan, iyo sanka oo xirma,sedex maalin ayuuna qofka kaga soo muuqanaya calaamadaha cududrka.

Fayrus-ka cusub ayaa marka uu qofka ku dhaco wuxuu markiiba weeararayaa neefmareenka,Isbitaalada Shiinaha waxaa soo gaaraya kumanaan dad ah oo uu soo ritay cudurkaani cusub.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Mao Ning ayaa ka hadashay cudurkaani cusub waxayna sheegtay inuusan lahayn khatar weyn kaasoo cimilada jiilaalka la socda ,sidoo kale waxay sheegtay inuusan xowli ku baaheyn marka loo eego kii Covid19-kii .

Sanadkii 2019-kii cudurkii weynkii ee CPVID19 wuxuu ka dilaacay isla dalkaani Shiinaha kaasoo isu geyn dunida ku galaatay nolosha 7
milyan ruux wax ka yar mudo 2 sano ah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Telangana Today on X: "China declares State of Emergency on new virus HMPV  outbreak Hyderabad: China is facing a new virus outbreak of the human  metapneumovirus (HMPV) spreading rapidly, five years afterChina Virus Outbreak: China facing new Covid-like pandemic? Here's  everything we know about it so far - The Economic TimesWhat Is HMPV? New Virus Outbreak in China Explained

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here