JANAALE (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Milateriga Somalia oo garab ka helaya kuwa Atmis ayaa maalintii labaad waxay howlgal ka dhan ah Alshabaab ka wadaan deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Howlgalkaan waxaa la sheegay ciidamada Dowladu Alshabaab isku ara saareen dhowr tuulo oo ay ku sugnaayeen.
Ciidamada iskaashanaya ayaa sidoo kale la soo sheegayaa inay amniga hubinayaan marka la eego deegaanada ay ka saareen Alshabaab.
Sida Warbaahinta Qaranku shaacisay hoowlgalkii shalay ciidamada Xooga gaar ahaan Guutada 14-ka October waxay Alshabaab ka saareen dhul howd ah oo ay isku urursanayeen kaasoo u dhexeeya Tuulooyinka Majabto, Mushaani, Kaaytooy iyo Kibili.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement