BOOSAASO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa mar kale baaq nabadeed u direy masuuliyiinta Dowlada Faderaalka  hogaamisa xiligaan xili dhawaana uu sidaan oo kale baaq ugu soo direy.

Saciid Dani wuxuu Dowlada u soo jeediyay in wax kasta oo la isku qabto dhanka siyaasada aysan Dowladu xabad ku xalin balse loo baahan yahay inay si nabadeed ku xaliso.

Advertisement

Wuxu u soo jeediyay Dowlada faderaalka inay dadka Soomaaliyeed u fidiso gogol nabadeed islamarkaana laga shaqeeyo horumarka bulshada.

“Waxaan ku celinayaa in Dowlada faderaalka ahi waayeel noqoto, kala aragti duwaansha siyaasadeed-na aysan xabad ku xalin,dadka Soomaaliyeed gogol u fidiso,dib la isugu soo jiido,ummadaan horumarkeed laga shaqeeyo,daganaanshaheeda laga shaqeeyo”ayuu yiri Saciid Dani

Saciid Dani oo warkiisa sii wada ayaa sidoo kale ka hadlay dhowr qodob oo ka mida baahiyaha bulshada Soomaaliyeed ee xiligaan ,isagoona meesha ka saaray in soomaalidu u baahneyn xabad iyo dagaal

“dadka Soomaaliyeed waxay u baahan yihiin nabad,waxay u baahan yihin caafimaad ,waxay u baahan yihiin tacliin,waxay u baahan yihiin nolol degan,waxay u baahan yihiin horumar,uma baahna xabad iyo dirir iyo dagaal,hantida ku baxda qoryaha  iyo xabadaha la iibsanayo,runtii waxay noqotay seylad dalkeena loo soo waarido hubka si ay iyagu isugu gumaadaan” ayuu mar kale yiri saciid Dani

Sidoo kale odayaasha iyo siyaasiyiinta ayuu baaqaas u direy gaar ahaana in siyaasadana wadadeeda la mariyo noloshana wadadeeda la mariyo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here