Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa haatan qorsheyneyso in gole deegaan loo dhiso gobolka Banaadir, si loo guda galo howlaha doorashooyinka iyo arrimaha hortabinta u leh, maadaama la aadayo qof iyo cod.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Qaranka Mudane Cabdikariin Axmed Xasan oo ka hadlay qorshahooda ku aadan hannaanka doorashooyinka ayaa sheegay in sanadka ina soo aadan ee 2025-ka la dooran doono Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kadibna ay dooran doonaan guddoonkooda.

Advertisement

Cabdikariin Axmed ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha ugu wayn uu yahay in laga gudbo Maayar lasoo magacaabo, si loo helo hoggaan ay soo doortaan reer Muqdisho.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in arrintan ay qayb ka tahay hoos u daadejinta maamulka iyada oo saddex heer ay noqon doonto doorashada dalka sida Golaha Deegaanka, Dowlad-Goboleedyada iyo tan Dowladda Dhexe ee Federaalka.

“Doorashadeennu waa saddex heer, waxa aan kasoo billaabeynaa Golaha Deegaanka, Marka xigta waa Dowlad-Goboleedyada halka tan saddexaad tahay Doorashada Federaalka, waxa aan wadnaa shaqadeenna oo ah 100% hirgelinta Doorashada, 2025 waxa aan wadnaa in aanay mar dambe digreeto lagu soo magacaabin Maayar dambe oo la doorto Golaha Deegaanka” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdikariin Axmed.

Qorshaha lagu doonayo in gobolka Banaadir uu ku yeesho gole deegaan waxaa horay uga dhawaajiyay guddoomiyaha cusub ee lasoo magacaabay Maxamed Axmed Amiir oo sheegay inuu rajeynayo inuu noqdo guddoomiyihii ugu dambeeyay ee lasoo magacaabo, isaga oo ballan qaaday inay ka shaqeyn doono sidii ay doorasho uga dhici lahayd gobolka.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa haatan ku howlan diyaarinta doorashooyin qof iyo cod ah, balse waxaa diidan maamullada Jubbaland, Puntland iyo xubnaha mucaaradka.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here