AKTAU (DAYNIILE.COM)-Diyaarad rakaab ah oo ka soo duushay dalka Asarbayjan kuna socotay dalka Ruushka ayaa ku burburtay meel u dhow magaalada Aktau ee dalka Kazakhstan waxaana ku dhintay afar qof sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka iyo shaqaalaha caafimaadka.
Duullimaadka nambarka J2-8243, diyaaradda Embraer 190 oo ay saarnaayeen 62 rakaab ah iyo shan shaqaale ah, ayaa lagu qasbay inay si degdeg ah u degto Arbacadii meel qiyaastii 3km (1.8 mayl) u jirta Aktau.
29 qof oo ay ku jiraan labo carruur ah ayaa ka badbaaday shilkan waxaana la dhigay isbitaal, sida ay sheegtay Wasaaradda Gurmadka ee Bartamaha Aasiya.
Wasaaraddu waxay markii hore sheegtay in 25 qof ay ka badbaadeen shilkan, iyadoo markii dambe tiradaas laga dhigay 27, 28, ka dibna 29 qof, iyadoo hawlgallada goobidda iyo samatabbixinta ay ka socdaan goobta shilku ka dhacay.
Wakaalladda Wararka Ruushka ee Interfax ayaa ka soo xigatay Wasaaradda in laga yaabo inay jiraan dad kale oo bad-baaday, waxayna ka soo xigatay shaqaalaha caafimaadka ee goobta ku sugnaa inay sheegeen in afar qof oo mayd ah la helay.
Wasaarada ayaa sheegtay in ciidamada dabdamiska ay damiyeen dabkaasi, Waxa ay sheegtay in 150 ka mid ah shaqaalaha gurmadka deg degga ah ay goobta ku sugnaayeen.
“Sida ay sheegayaan wararka hordhaca ah, diyaaraddu waxay codsatay in ay ku degto garoon kale ka hor inta uusan shilka dhicin…
Rakaabka diyaaradda ayaa waxaa ku jiray muwaadiniin u dhashay dalalka Azerbaijan, Russia, Kazakhstan iyo Kyrgyzstan, ayuu Shapovalova hadalkiisa ku daray.
Waaxda duulista hawada ee Ruushka ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in xogta hordhaca ah ay soo jeedinayso in duuliyuhu uu go’aansaday inuu si deg deg ah u dajiyo ka dib markii uu shimbiro ku dhuftay.
Goobta diyaaradu ku soo dhacday ee Aktau waxay ku taal xeebta Badda Caspian ee Asarbayjan iyo Ruushka u dhexeysa.
Maamulka Kazakhstan ayaa sheegay in guddi dowladeed loo saaray sidii ay wax u dhaceen, waxaana xubnahooda lagu amray in ay u duulaan goobta, ayna hubiyaan in qoysaska dadkii dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay helayaan gargaarkii ay u baahnaayeen.
Madaxweynaha Asarbayjaan Ilham Aliyev ayaa soo gaabiyay booqashadii uu ku joogay dalka Ruushka – halkaas oo uu kaga qeyb galayay shir madaxeedka Arbacada.
“Nasiib darro, Madaxweynaha Azerbaijan Aliyev ayaa lagu qasbay inuu ka tago St Petersburg halkaas oo uu ku lahaa shir madaxeed.
Putin mar hore ayuu wacay oo u muujiyay sida uu uga xun yahay shilka diyaaradda Asarbayjaan ee Aktau,” ayuu yiri afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov.
“Waxaan si qoto dheer ugu tacsiyeynayaa kuwii ku waayay qaraabadooda iyo asxaabtooda shilkan diyaaradeed waxaanan u rajeyneynaa soo kabasho degdeg ah dhammaan kuwa ku guuleystay inay badbaadaan.”
Ramzan Kadyrov, hogaamiyaha Kremlin-ka ay taageerto ee Chechnya, ayaa bayaan uu soo saaray ku muujiyay sida uu uga xun yahay, wuxuuna sheegay in dadka isbitaallada la dhigay ay ku jiraan xaalad aad u daran, isaga iyo kuwa kaleba ay u baryayaan inay si degdeg ah u bogsadaan.
Maamulka Kazakhstan ayaa sheegay inay bilaabeen inay eegaan noocyo kala duwan oo suurtagal ah oo ku saabsan wixii dhacay, oo ay ku jiraan cilad farsamo, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Interfax ee Ruushka.
SOURCEALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM