MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Kulan ay ka qeybgaleen saraakiil Booliis oo ka kala tirsan Booliiska Somalia iyo howlgalka Atmis ayaa ka dhacay dhawaan Taliska Dhexe ee ATMIS ee Muqdisho.
Kulankaan waxaa looga hadlay taageerada ay Atmis u heyso nidaamka Garsoor ee Soomaaliya waxaana ka mid ahaa saraakiisha dhanka Atmis  Isku Duwaha Booliska Atmis u qaabbilsan arrimaha dib-u-habaynta iyo horumarinta ahna Kaaliyaha Taliyaha Booliska John Simon & SSP SSP Alex Magezi oo ka socday Qaybta Horumarinta Tababarrada.
Dhanka Soomalida waxaa kulanka ka qeybalay Gaashaanle Sare Axmed Khaliif Jinow, Garyaaqaanka ahna La taliyaha sharciga ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida.
Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray iskaashiga iyo sare u qaadista karaanka dacwad-oogista & sharciga iyo ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ujeedka ugu weyn ee kulanka ayaana ahaa si Atmis u taageerto nidaamka garsoorka Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 5 people, people studying, television and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 6 people and tree
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here