Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare, oo ah Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda oo goobjoog ka ahayd ciyaarta dhexmartay xulka qarankeena iyo dhiggooda Uganda ayaa markii ay ciyaartu soo dhammaatay, waxay dhiirrigelin ugu tagtay ciyaartoyda Soomaaliyeed, una sheegtay in ay aad ugu faraxsan tahay dadaalka iyo hibada ay muujiyeen.
Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo la hadlaysay xulkeena da’dooda ka yar tahay 17 sano ayaa tiri” Ciyaar fiican ayaa ciyaarteen, qarankiinna ayaa u hagarbaxdeen, waana niigala raayay, micno malahan, sanadkii horeba idinka qaaday”
Inkastoo xulka qarankeena ee da’doodu ka yar tahay 17 sano looga adkaaday 4-1 oo guusha ku raacday dhiggooda dalka Uganda, haddana dadkii daawanayay ciyaarta ayaa isku raacay in ay soo bandhigeen ciyaar xirfad heer sare ah, balse nasiibku uu ka hiiliyay.
Advertisement