Xubin labaad oo ka tirsan Difaaca Madaniga ah ee Falastiiniyiinta ee Gaza ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil maanta geysatay.

Advertisement

Ururka ayaa ku dhawaaqay geerida Nabil Bahloul, oo u dhintay dhaawacii soo gaaray, ka dib markii Israa’iil ay duqeymo la beegsatay xarun difaaca rayidka ah oo ku taal magaalada Gaza.

Dab damiska Najib Sakr ayaa lagu dilay duqeynta ka dhacday xarunta oo ku taal xaafada al-Daraj ee magaalada Gaza

Aan kugu soo gudbino si deg deg ah waxii ugu dambeeyay:

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen weerar ay Israa’iil ku qaadday guri ku yaalla Jabalia al-Nazla ee waqooyiga Gaza.

Duqeymo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa lala beegsaday xarunta Difaaca Rayidka ee Falastiin – kooxda mas’uulka ka ah adeegyada degdegga ah iyo howlaha samatabbixinta ee guud ahaan Marinka.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhaawacantay rasaas Israa’iili ay ka geysatay gudaha magaalada Beit Furik ee daanta galbeed.

Kooxda wada xaajoodka xabad joojinta ee Israel ayaa ku laaban doona Tel Aviv caawa ka dib “toddobaad macno leh” oo wadahadal ah oo ka dhacay Qatar, xafiiska ra’iisul wasaaraha Israel ayaa sidaas yidhi.

Munther Isaac, oo ah wadaadka kaniisadda Evangelical Lutheran ee Beytlaxam ee Daanta Galbeed ee la haysto, ayaa leh, “Xaaladda Masiixiyiinta kama duwana Falastiiniyiinta kale

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here