DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Kadib markii Ciidamada amaanka Magaalada Dhuusa-mareeb ay soo qabteen saaka oo Isniin ah nin ku eedeysan inuu yahay gacan ku dhiiglihii xalay dilay sarkaal booliiska ka tirsan ayaa waxaa shir jaraa’id wada jir u qabtay Taliyaha Booliiska iyo Gudoomiyaha Dhuusa-mareeb.
Labada Masuul waxay si wada jir ah u cadeeyeen in gacanta uu ku jiro islamarkaana xabsiga la soo dhigay nin ku eedeysan inuu yahay shaqsigii xalay dilay sarkaal Booliiska ka tirsan ee lagu magacaabi jirey L/Xidigle Xasan Quuri.
Taliyaha Saldhigga Booliiska magaalada Dhuusamareeb Dhamme Nuur Cilmi ayaa saxaaada u sheegay inay sharciga hor geyn doonaan eedeysanaha sidoo kalana ay sidoo kale soo qaban doonaan cid kasta oo iyagana ku lug yeelata dilkaasi ama caawisay dilaaga.
“sarkaalka waxaa la dilay xalay saq dhexe 12-kii saqda dhexe mar uu shaqada ka baxay kuna sii jeeday gurigiisa waxaana aaminsanahay in si aan ku habooneyn loo dilay, balse ugu danbeyn waan soo qabanay gacan ku dhiiglaha”ayuu yiri Taliyaha
Sidoo kale Guddoomiyaha degmada Dhuusamareeb Macallin Cabdiraxmaan Geedaqoroow ayaa isna ku amaanay hay’adaha amaanka Galmudug gaar ahaan kuwa dhuusa-mareeb sida ay ugu guuleysteen soo qabashada eedeysanaha.
“Mar hadii Ciidanka ammaanka ay gacanta kusoo dhigeen kuwii ku eedeysnaa dilka, dhibkii intaas ayuu ku egyahay cidii dembigaas geysatay ayaana lagu qaadayaa.”ayuu yiri Gudoomiye Geedaqoroow.
Gudoomiyaha wuxuu dhanka kale ugu baaqay ehalada sarkaalka la dilay Allaha u naxaristee L/Xidigle Xasan Quuri inay is dejiyaan, meydka la aaso islamarkaana amniga laga wada qeybqaato.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM