Wasiirka difaaca Israel Katz ayaa uga digay fallaagada Xuutiyiinta in Israa’iil ay ‘kurka ka jari doonto’ madaxdeeda sidii ay ku samaysay Xamaas
Wasiirka Difaaca Israa’iil Israel Katz ayaa markii ugu horreysay si cad u qirtay in dalkiisu uu dilay madaxii siyaasadda ee Xamaas Ismail Haniyeh, isagoo ka digay in Xuutiyiinta Yemen ay sidoo kale la kulmi doonaan “dharbaaxo daran”.
Isagoo ka hadlayay fiidnimadii Isniinta munaasabad lagu maamuusayay shaqaalaha wasaaradda gaashaandhigga, Katz wuxuu sheegay in Israa’iil ay “dhaawac daran ku dhufatay dhidibka sharka, waxaana sidoo kale dharbaaxo daran ku dhufan doonnaa ururka argagixisada ah ee Xuutiyiinta Yemen, kaasoo weli ah kii ugu dambeeyay ee istaaga
“Marka ururka argagixisada ah ee Xuutiyiintu ay gantaalo ku soo ridayaan Israa’iil, waxaan rabaa in aan fariin cad u gudbiyo iyaga bilowga hadalkayga: Waanu ka adkaanay Xamaas, waanu jabinay Xisbullah, waxa aanu indho tiray nidaamka difaaca ee Iran, waxa aanu dhaawacnay nidaamkii wax soo saarka. waanu ridnay taliska [Bashaar al-Asad] ee Suuriya,” ayuu yidhi Katz.
Israa’iil waxay “dhaawaci doontaa [xuutiyiinta] kaabayaasha istaraatiijiga ah, waxaanan madaxa ka jari doonaa hogaamiyayaashooda – si la mid ah Haniyeh, Sinwar iyo Nasrallah ee Tehran, Gaza iyo Lubnaan – waxaan ku sameyn doonaa [Yemen) Hodeidah iyo Sanca”, Katz ayaa raaciyay. isagoo tixraacaya dilkii xigay ee loo geystay madaxii Xamaas ee Gaza Yahya Sinwar iyo hoggaamiyaha Xisbullah Xasan Nasrallah