DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Labo Xidigle ka tirsan Booliiska Dowlad Gobokeedka Galmudug ayaa xalay lagu dilay Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Maamulkaasi.
Allaha u naxariistee laba xidiglaha oo lagu magacaabi jirey Xasan Quuri kana mid ahaa saraakiisha Booliiska Galmudug ayay wararku tilmaamayaan in la dilay xili uu haweeneey la sheekeyaanayay.
Nin hubeysan ayaa ka dambeeyay dilka sarkaalkaasi kaasoo wararka qaar sheegayaan inuu hore u shukaansan jirey gabadha hada sarkaalku la haasaawatay taasoo laftigeedu rasaasta lagu dilay sarkaalka iyadana dhaawac uu ka soo gaaray oo ay isbitaal taal.
Masuuliyiinta Galmudug wali warar sugan kama soo bixin kaasoo ay ku sheegayaan cida weerarkaani geysatay iyo ujeedka ay lahaayeen intaba.
Dhanka kale ninka weerarkaani la sheegay inuu fuliyay wuu baxsaday walina ciidamada Galmudug ma soo qaban.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement