Xoojinta Xiriirka Laba Geesoodka ah: Soomaaliya iyo Masar oo Ku Heshiiyay Iskaashi Istiraatiiji ah.
Qaahira,
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa kulan heer sare ah la yeeshay Dr. Badr Abdel Aty, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, oo ka dhacay magaalada Qaahira. Kulanka waxa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo raadinta fursado iskaashi oo cusub, iyada oo lagu heshiiyay in xiriirka la gaarsiiyo heer istiraatiiji. Labada dhinac ayaa sidoo kale isku afgartay in la xoojiyo iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha iyada oo loo marayo Madasha Soomaaliya iyo Masar, oo lagu qaban doono Qaahira Janaayo 2025.
Intii lagu jiray wada hadalka, Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Fiqi waxa uu bogaadiyay doorka muhiimka ah ee Masar ay ku leedahay taageeridda dadaallada dib-u-dhiska Soomaaliya iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo dhuleed ee Soomaaliya. Waxa uu mar kale xaqiijiyay sida Soomaaliya uga go’an tahay dhammaan heshiisyada ay la gashay Masar, isaga oo hoosta ka xarriiqay muhiimadda iskaashiga joogtada ah ee lagu gaari karo xasilloonida iyo horumarka gobolka.
Dhankiisa, Dr. Badr Abdel Aty ayaa mar kale xaqiijiyay sida Masar uga go’an tahay taageeridda madax-bannaanida, midnimada, iyo dhuleed ee Soomaaliya, si waafaqsan sharciga caalamiga ah. Waxa uu hoosta ka xarriiqay dadaallada joogtada ah ee Masar ku bixinayso taageeridda dawladda iyo hay’adaha Soomaaliya, isaga oo carabka ku adkeeyay in la xoojiyo xiriir xooggan oo waara oo dhex mara labada dal.