Muqdisho, Isniin, 23 Diseembar 2024: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulan kula qaatay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha Qaranka isaga oo Warbixin ka dhageystay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa guddiga la wadaagay sida ay dowladda Soomaaliyeed uga go’antahay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah iyadoo awoodda loo celinayo shacabka si ay codkooda ugu soo doortaan madaxda hoggaamineysa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa guddiga kula dardaarmay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan uga howl galo hirgalinta Doorashooyinka dalka si hufan oo caddaalad ku saleysan maadaama uu Baarlamaanka dhawaan u dhammeystiray dhammaan shuruucdii fududeyneysay.

— Dhammaad —
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed JimcaaleMay be an image of 1 person, newsroom, dais and textMay be an image of 8 people, table, dais and textMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of 1 person, newsroom and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 3 people and dais
May be an image of 3 people, dais and newsroomMay be an image of 4 people, newsroom and daisMay be an image of 8 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here