MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan sababta xilka looga qaaday Wasiirkii hore ee Batroolka C/risaaq Cumar oo ka soo jeeda Xawaadle ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabelle.

Wasiirka inkastoo uu sheegay inay isku qabteen Madaxweynaha arimo ku saabsan tabashada reer Hiiraan ee dhanka Maamulka Hirshabelle hadan war taas ka duwan ayaa soo baxaya .

Advertisement

Waxaa soo baxaya in sababta xilka looga qaaday ay tahay arimo dhaqaale oo ay isku qabteen Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo Wasiir C/risaaq oo ka tirsan Xisbiga Madaxweynaha ee UPD.

Dhaqaalahaan ay isku qabteen ayaa ka soo baxay saxiixa heshiiskii dhawaan Turkiga iyo Somalia kala saxiixdeen kaasoo ku saabsan baarista shidaalka waxaana lagu sheegay lacagtaasi inay u dhexeyspo 9 ilaa 10 Milyan Doolar.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in isku dayo badan oo lagu xalin rabay inay guul dareysteen wuxuuna murankaasi dhaqaale ku soo dhamaaday inuu xilkiisa ku waayo Wasiirkii hor ee Batroolka C/risaaq Cumar waxaana lagu badalay shaqsi kale markii Ra’iisulwasaare Xamza uu sameeyay isku shaandheyn.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here