Qof kasta oo Xil hayo Daraja kasta ha lahaadee waa in uu isku diyaariyo in uu Kursiga ka kacidoono, Qof kasta oo noolna waa in uu isku diyaariyaa in uu dhiman doono.
Kursiga waxaa kaa kicinaa, Xaalad iyo Wakhti is bedelo. Ma Taqaanid wakhtiga aad ka tagi doonto, waxaa laga yaabaa in uu ka soo hor maro wakhtiga kuu qorsheeysan, Ma taqaanid Qofka ku bedeli doono, Xilkuna waa meerto. ( F.S:1aad)
Waa iga talo. Dadka kula shaqeeynaa iyo kuwa aad u shaqeynee, uga tag wanaag iyo Xil gudasho, intii aad uga tagi leheyd dayacaad masuuliyadeed iyo in lagu inkaaro. Qofka aan la aqoon ee ku badali doono, Tiin ha u abuurin.
FG: Shakhsi gaar ah iyo xil gaar ah ma ahan.
Qore:Yahya AmirNo photo description available.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here