Warbaahinta dunida ayaa saaka aad u hadal heysa Milatariga Mareyanka oo soo riday mid ka mida diyaaradahooda dagaalka iyo ujeedka ka danbeeya.
Markab dagaal oo Mareykanku leeyahay ayaa toos u bartilmaameedsaday soona riday diyaarad dagaal oo isla dalkaasi laga leeyahay taasoo dul mareysay bada cas
Wararku waxay tilmaamayaan in labadii duuliye ee waday diyaaradaasi oo nuucoodu ahaayeen F/A-18 Hornet ay ka bad baadeen iyadoo mid ka mida uu soo gaaray dhaawac sahlan.
Taliska Milateriga Mareykanka ayaa war uu ka soo saaray arintaani iyo sida ay ku dhacday waxay sheegeen in talaabadaani ahayd mid si shil ah ku dhacday oo aaneey ku tala gal ahayn markii gantaalo laga riday markabka mareykanka uu si kama ah ugu dhacay diyaarad ay iyagu leeyihiin oo ahay nuuca F/A-18 .
Xiliga Mareykanku soo ridayaan mid ka mid diyaaradahooda ayaa ku soo aaday xili ay wadeen duqeymo iyo weeraro ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta taasoo keentay isku dhax yaac dhanka bartilmaameedka Mareykanka.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM