MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa saaka Magaalada Muqdisho ka socota munaasabad lagu weynaynayo ama lagu xusayo Sanadguurada 81-aad ee aas-aaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Muqdisho ka socota inkastoo ay shalay ku beegneyd.
Sida la wada ogyahay Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed waxaa la aas’aasay sanadkii 1943-kii waxaana hada oo ah 2024 ka soo wareegatay 81 sano.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeybgalay xuska maanta loo sameeyay sanad maalinta ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaana maanta ubax dhigay Sanadguurada 81-aad ee aas-aaska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh,Taliyaha Booliiska Aasad Cusmaan C/laahi iyo masuuliyiin kale ayaa hadalo ka jeediyay munaasabada.
Madaxweynaha oo khudbadiisa ku soo hadal qaaday doorashooyinka madaxtinimada ee soo socota sidey noqon doonto ayaa carabka ku adkeeyay in gacana ay Alshabaab kula dagaalami doonaan, gacana ay ku qaban doonaan doorashooyinka dadweynaha ay codkooda ku dooranayaan madaxweynaha dalka maraka muda xileedkiisu dhamaado.
“Gacan Khawaarijta ayaan kula dagaalameynaa ,gacanna doorasho ayaan ku qabaneynaa ,mana hakineyno dagaalka cadowga”.ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh .
“Ma jiro qabiil ka xoog badan qabiil kale, shalay haddii aan qoryaha ku kala adkeynay maanta kadib cod ayaa lagu kala adkaanayaa.” Madaxweynaha ayaa mar kale sidaas yiri.
Sidoo kale Taliyaha Booliiska S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa isna hadalo uu goobta ka jeediyay ku sheegay inay qoreen buug ay ku uruuriyeen taariikhda Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed kaasoo kasoo bilaabaneysa 81-sano ka hor.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM