GARBAHAAREEY (DAYNIILE.COM)-Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cabdullahi Cabdi Jaamac ayaa cadeeyay mowqika reer Geedo ee ku aadan sida ay u taageersan yihiin siyaasada ay Dowladu ku maamuleyso qaranka Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha ayaa ka sheekeeyay shir qaas ah oo ay la yeesheen wadiga ka socda Dowlada Somalia kuwaasoo ku sugan maamlihii ugu danbeeyay Gobolka Geddo gaar ahaan caasimada Garbahaareey.

Advertisement

GUdoomiye Cabdullahi Cabdi Jaamac  wuxuu cadeeyay inay reer Geddo ahaan aad ula dhacsan yihiin siyaasada Dowlada Somalia ay dalka ku maamuleyso gaar ahaana in doorashada danbe ee madaxtinimada qaranka iyo Maamul Goboleed-yadaba laga dhigo doorasho dadweyne oo dadku gacantooda ku doortaan hogaankooda.

“shir aan waqti dheer la qaadanay wafdigii Dowlada Federaalka nooga yimid waxaan isla garanay in gobolka Gedo taageero sidii dalka uga dhici laheed doorasho qof iyo cod ah.” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Geddo.

Hadaba halkaan ka daawo  muuqaalka Gudoomiyaha oo arimahaan sharaxaya:-

 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here