Muqdisho, Diseembar 21, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay casho sharaf la qaatay ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyey sida ay u doonayaan hirgelinta qorshaha Muqdishada cusub oo beddeli doonta muuqaalka caasimadda.
Madaxweyne Xasan ayaa tilmaamay in mashruucan waddaniga ah uu yahay mid dhammaan ganacsatada Soomaaliyeed ay qayb muhiim ah ku yeelanayan, taas oo xaqiijinaysa in qorshahan uu noqdo mid Soomaali leedahay, oo berito ay ku faani karaan jiilasha soo socda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ganacsatada uga mahadceliyey kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin dalka, gaar ahaan doorka ay ka qaadanayaan kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka, iyo xoojinta nabadda. Waxa uuna ku dhiirrigeliyey in ay si hagar la’aan ah u bixiyaan canshuurta, ugana qeyb qaataan dib u dhiska dalka.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa dhankooda ballanqaaday in ay kaalin weyn ku yeeshaan mashaariicda qaranka, iyagoo ka duulaya qorsheyaasha lagu xoojinayo dib u dhiska iyo horumarka dhaqaale ee dalka.
DHAMMAADMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 11 people, dais and textMay be an image of 12 people and textMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 1 person, money and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here