Booliiska Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa war ka soo saaray Dagaalka saaka ka dhacay deegaanka Dawacooleey kaasoo u dhexeeyay ciidamada Maamulka DDS iyo shacabka u dhashay Dawacooleey.
Qoraalka Booliiska DDS ayaa sidan u qornaa;-
Xog ku saabsan dhacdooyinka ka dhacay, dhulka u dhexeeya degmooyinka xarshin iyo yoocaale.
Waxaa jirtay asbuucyadii aan soo dhaafnay in lagu dilay hoggaankii nabadgalyada degmada yoocaale AHUN iyo laba qof oo shacab ah dhulka u dhexeeya qabalaha Dacawaleey ee degmada xarshin ee gobolka faafan iyo qabalaha Duudbaydaale ee degmada yoocaale gobolka jarar, dilkaasi oo ay gaysteen dableey hubaysan.
Ka dib hoggaaminta labada gobol ee Jarar iyo Faafan, hoggaaminta labada degmo ee yoocaale iyo xarshin, xildhibanada ka soo kala jeeda labada degmo, xafiiska nabad-galayda iyo xubno ka mid ah police ka deegaanka ay u tageen in ay xaliyaan dhibkaas dhacay.
Iyada oo xalka loo wajahay sidan:-
1. Sugidda amniga iyo wacyigalinta bulshada.
2. Soo qabashada gacanku dhiigleayaashii dilka gaystay.
3. Dhamaystirka muran dhuleed oo horay u jiray.
4. Iyo nabadaynta bulshada.
Soo jeedintii talooyinka guddiga ayaa odayaasha, labada dhinac loo bandhigay go’aanka xalka loo soo jeediyay kaas oo laysla qaatay in la fuliyo.
Haddaba markii guddigii u dhaqaaqay fulinta go’aankii la is la qaatay, ayay shalay dablay hubaysan xabadaysay hoggaamintii shaqada ku jirtay Isla markaana waxa uu dhaawac soo gaadhay askari police ah, mana jirin wax jawaab ah oo ay ka bixiyeen ciidanka police ku, falkaas sharciga baal marsan ee dablaydu samaysay.
Ka dib na saaka subixii hore ayaa waxaa ay dabley hubaysan weerar ku soo qaadeen, xubnihii ciidanka police deegaanka, ee ahaa staff ka hogaaminta iyo police kii joogay goobta, waxaana la laayay ciidan police ah lana dhaawacay saraakiil dawladeed.
Haya’daha amniga Deegaanku waxay ugu baaqayaan shacabka nabadda jecel inay la shaqeeyaan ciidamada Deegaanka iyo maamuladda labada Gobol, si loo dhamaysitro xalkii lagu heshiiyay, dabyladda hubaysan sharci-darradda ahna meesha looga saari lahaa.