Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ay wehliyaan Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan BFS ayaa maanta la kulmay maamulka degmada Garbahaareey iyo hoggaannada qeybaha kala duwan ee bulshada ee magaaladasi.

Kulankan ayaa looga hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta amniga, kor u qaadista adeegyada bulshada, iyo horumarinta wada shaqeynta u dhaxeysa dowladda iyo bulshada deegaanka. Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa dhageystay sidoo kale warbixinno ay soo bandhigeen maamulka degmada iyo qeybaha bulshada kuwaas oo ka hadlay baahiyaha iyo caqabadaha haysta degmada.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa bulshada ku boorriyay inay door weyn ka qaataan sugidda nabadgelyada iyo taageeridda dadaallada dowladdu ku bixinayso amniga. Wuxuuna ballan qaaday in dowladda dhexe ay sii xoojin doonto wada shaqeynta kala dhaxeysa maamulka gobolka , kan degmada iyo in mudnaanta la siin doono baahiyaha muhiimka ah ee bulshada.May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 14 people, people studying and textMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here