MARKA (DAYNIILE.COM)- Sida lagu shaaciyay idaacada ciidamada ee Dowlada Somalia Ururka 141-aad, Guutada 14-ka October ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa fuliyay saacadihii ugu dambeeyay ee shalay howlgal ka dhan ahaa Alshabaab.
Howl-galkaan ayay ciidamada Milatarigu ka sameeyeen dhowr tuulo oohoos taga deegaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeelaha hoose.
G/sare Nur Farey oo ah Taliyaha guutada 14-ka October ayaa u sheegay warbaahinta Dowlada in howlgalka ay fuliyeen oo ahaa mid qorsheysan ay cagta ku mariyeen tuulooyin ay ku dhuumaaleysanayeen Alshabaab sida uu warka u dhigay.
“Waxaan burburinay goobo gabaad u ahaa Khawaarijta oo ay Shacabka ku baadi jireen”ayuu yiri Taliye Nuur Fareey.
Sida ay sheegtay idaacada ciidamada Tuulooyinka howlgalka laga sameeyay waxay kala yihiin Cad-caddey, Afaqow iyo Daay-xaaji.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM.
Advertisement