Wararka ka imaanaya Garoonka Muqdisho ayaa sheegaya in saakay ay halkaas ka soo dageen Qaxootigii ugu badnaa ee Mudooyinkaan laga soo Celiyo dalka Liibiya.
Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo hay’adda socdaalka adduunka ee IOM, ayaa soo dhaweysay 147 tahriibayaal Soomaali ah oo dib loogu soo celiyay dalka.
Muwaadiniintan ayaa laga soo celiyay dalka Liibiya, iyadoo la raacayo hindise loogu magac daray dib u celinta bini’aadantinimada ee Voluntary Humanitarian Return (VHR).
Diyaaradda ayaa markii hore ku degtay magaalada Hargeysa, halkaasi oo ay ka soo degeen 31 tahriibayaal ah, ka hor inta aysan u sii gudbin Muqdisho oo ay keentay 116 tahriibayaal ah.
Sidoo kale Dadka soo laabtay ayaa waxaa si heer sare ah u soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Agaasimaha waaxda Yurub iyo Ameerika Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi [Ooga-cadde] oo wakiil ka ah wasiirka arrimaha dibadda oo ay wehliyaan safiirka Soomaaliya ee Liibiya Cabdi Aadan.
Dhinaca kale waxaa munaasabadda soo dhaweynta muwaadiniintan qeyb ka ahaa ergeyga faarka ah ee socdaalka iyo qaxootiga ee Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Maryam Yaasiin, safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson iyo ku-xigeenka madaxa IOM ee Soomaaliya Prestage Murima.
Danjire Yoonis Yaasiin Xaashi [Ooga-cadde] oo ah Qabiir dhinaca Dibulumaasiyada ayaa ka mid ah shaqsiyaadkii halkaas ka hadlay, waxa uuna balan qaaday in ay soo dhamees tiri Doonaan qaxootiyada ku dhibaataysan dalka Liibiya si ay u helaan dhalinyarada Soomaaliyeed Xoriyad taam ah
Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi Kenya
Tel-2524-711830393