=XIGASHO BBC SOMALI=Nimco Bashiir

Nimco Bashiir Daa’uud, oo 28 jir ah, ayaa lagu dilay dalka Sweden xilli ay ku sii jeedday gurigeeda, waxaana la sheegay in uu dilku ka dhacay meel kayn ah oo ku taalla xaafadda Märsta ee magaalada Stocholm.

Advertisement

Saxiibteed ay aad isugu dhawaayeen, Saynab Xasan, ayaa sheegtay in ay maqashay qayladeedii ugu dambeysay xilli ay qadka taleefanka kula hadleysay.

“Waxay bilowday inay magacayga ku dhawaaqdo, kadibna ay qayliso”, ayey tiri Seynab.

Waxay ahayd xilli fiid ah oo ay Nimco Bashiir ka soo baxday shaqadeedii maalinlaha ahayd ee kalkaaliyenimo waxayna soo raacday mid ka mid ah gaadiidka dadweynaha ee xaafaddeeda soo aadayay.

“Ma jirin wax cusub ama ku soo kordhay oo ay ii sheegeysay, sideennii caadiga ahayd ayaan axwaasha iskaga wareysaneynay, waxaan sidoo kale ka wada hadalnay xilligii aan is arki lahayn si aan uga sheekeysanno qorsheyaasheenna”, ayey tiri Seynab Xasan.

Seynab waxa kale oo ay sheegtay in saaxibadeed Naciimo ay ka codsatay in aysan qaadin waddadaas maadama ay tahay dhul kayn ah oo hadanna buur ah isla markaana ay buurta ku sibxan karto, balse Naciimo ayaa ugu Jawaabtay “tan ayaa fudud oo xaafadda u dhow”.

Saynab Xasan ayaa tiri “Isla markiiba waxa aan maqlay buuq iyo qaylo aad u sarreysay waxaan iri halow halow kadibna shanqar oo dhan ayaan waayay oo Naciimo wey aamustay” ayey sii raaciyay.

Nimco ayaa waxyar kadib meydkeeda laga helay dhulka howdka ah.

Sida ku cad xogta Aftonbladet, waxay dhaawacyo toorrey ah ay kaga dheceen meelo badan oo jirkeeda ah, waxaana booliisku ay xaqiijiyeen in la dilay.

Hibo Daa’uud, oo 26 jir ah, waa walaasha kayar Nimco iyada oo ka hadleysa warka naxdinta leh ee soo gaaray ayey tiri ” Ma ahayn walaashay oo keliya, waxay ahayd saaxiibtayda aan qoyska isugu dhownahay.

Nimco, Hibo iyo Saynab waxay bisha Juun u safri lahaayeen dalka Turkiga oo in badan ay qorsheeyeen qalin-jabinta Saynab iyo sidii loogu dabaaldegi lahaa.

Hibo iyo Saynab waxa ay Nimco ku tilmaameen in ay ahayd qof dadka daryeela, qariib ah oo naxariis badan oo ay jeclaayeen asxaabta iyo asxaabta.Qoyska

Hal qof ayaa loo xiray tuhun la xiriira dilka Nicmo.

Booliska ayaa sheegay inay qabteen qof looga shakisan yahay dilka Nimco.

Hadda ehelka Nimco waxay u fadhiyaan jawaabta ay boolisku ka bixin doonaan sababta keentay dilka ee loo bartilmaameedsaday gabadhoodii.

“Ma doonayno in Nimco ay kamid noqoto dadka la’iska dilo. Waxaan rabnaa jawaab. Sidee ayey wax u dheceen? Qof kasta ayay ku dhici lahayd. Cadow ma laha, dad ay dhibtay iyo wax ay u geysatay toona ma jirto”, ayay tiri Saynab.

Sida laga soo xigtay wargayska Aftonbladet, tuhmanuhu waa nin qaatay dawooyinka dhimirka dhawr jeer oo hore.

Booliisku waxay ka shakisan yihiin in laga yaabo inuu soo raacay habeenkii, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Ninka loo xiray dilka Nimco ayaa la sheegay in uu yahay nin 38 jir ah.

Booliska

Dilka Nimco ayaa sidoo kale la sheegay in uu walaac iyo cabsi ku abuuray dadka deegaanka.

Sanadihii la soo dhaafay, ninkan ayaa lagu xukumay dambiyo daroogo ah, laakiin sidoo kale wuxuu geystay khasaare.

Dukumentiyada dadweynaha, ayaa u muuqda in ninkan laga helay xanuun maskaxeed oo halis ah dhowr sano ka hor iyo in uu sidoo kale leeyahay balwad in muddo ah.

Waxa kale oo la sheegay in ay u muuqato in ninku dhawr jeer joojiyay daawadii la siin jiray isla markaana uu dib noqday isticmaalka muqaadaraadka.

Markii loo xiray tuhunka dilka Nimco Isniintii, waxaa la rumeysanyahay in uu sheegay in uu dil geystay, sida lagu sheegay xogta Aftonbladet.

=XIGASHO BBC SOMALI=

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here