MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ka qeyb galay maanta Munaasabad uu xilka kula wareegay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow taasoo lagu qabtay Xarunta Hay’adda ee magaalada Muqdisho.
Masuuliyiin badan ayaa ka soo qeybgalay kuwaasoo goob joog ahaa munaasabada xilka loogu kala wareejinayay agaasimihii hore ee Hay’ada socdaalka iyo Jinsiyada iyo Agaasimaha cusub.
Hadalo kooban ayay ka jeediyeen masuuliyiintu waxaana ka mida Ra’iisulwasaare Xamza kaasoo xusay waxyaabaha looga baahan yahay masuuliyiinta iyo hay’ada socdaalka gaar ahaan adeega ay bulshaa u hayaan.
“Ajaanibta gobolada qaar si sharci daro ah ayay kusoo gali jireen, laakiin hada hawl fiican ayaa laga qabtey.”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Somalia Axmed Macalin Fiqi oo munaasabadaan hadalo ka jeediyay.
Sidoo kale Wasiirka Amniga Gudaha C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa isna goobta ka sheegay in Hay’adaani waqtigaan mareyso meel aad u wanaagsan.
“Maanta Hay’adda Socdaalka waxa ay maree meel aad u wanaagsan, Agaasime Mustaf Dhuxulow waxaan u rajaynaa in uu meel sare sii gaarsiiyo.” ayuu yiri wasiir Fartaag.
Dhanka kale waxaa isna hadlay Agaasimaha xilka wareejiyay ee Hay;’ada socdaalka iyo Jinsiyada kaasoo ka sheekeeyay qaar ka mid ah wixii u qabsoomay mudadii uu xilka hayay.
“waxaan dejinay fulinta qorshaha 5-ta sano soo socota 2004 -2028 kaasoo soo maray kulamo wadatashi oo ka dhacay Gobolka Banaadir iyo maamu goboleedya “ayuu yiri Agaasimihii hore
Sidoo kale wuxuu carabka ku adkeeeyay inay dhameyeen xeer nidaamyada sharciga dhismaha hay’ada Socdaalka iyo jinsiyada kaasoo ay ansixiyeen golaha wasiirada islamarkaana dhaqan galay sida uu sheegay.
“waxaa kale oo noo suuratgalay dhameystirka bar xuduyada balan bale iyo Feefeer oo ka jmid ah horumarinta ha’ada iyo amniga”ayuu yiri agaasimaha xilka wareejiyay
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM