Agaasimaha cisbitaalka Kamaal Adwan ee waqooyiga Gaza ayaa sheegay in ciidamada Israa’iil ay rasaas ku fureen shaqaalaha qaybta daryeelka degdegga ah.
Madaxa Shabakadda NGO-ga Falastiin Amjad Shawa ayaa sheegay in tirada dhimashada weerarrada Israel ee Gaza ay u badan tahay inay aad uga badan tahay in ka badan 45,000 oo maanta ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee dhulkaas.
Ciidamada Israel ayaa duqeeyay iskuul ay maamusho UNRWA oo ku yaala Khan Younis, halkaasi oo ay ku dileen ugu yaraan 20 qof, kadib weerar ay ku qaadeen iskuul kale oo ku yaala Beit Hanoon oo ay ku dhinteen 43 qof iyo mid kale oo lagu weeraray bar ay ku sugnaayeen ciidamada difaaca madaniga ah oo lagu dilay sawir qaade Aljazeera Ahmed al-Louh iyo shan ka mid ah shaqaalaha gurmadka.
Dowladda Israa’iil ayaa sidoo kale ku dhawaaqday qorshe ay ku dooneyso in ay ku laba jibaarto dadka Israa’iiliyiinta ah ee degan buuraha Golan Heights ee la haysto ee Suuriya kaddib markii ay ciidamadeedu qabsadeen dhul badan oo aagaas ah ka dib markii xukunka laga tuuray madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad.
Dagaalka Israa’iil ee Qaza waxa uu dilay ugu yaraan 45,028 falastiiniyiin ah iyo dhaawaca 106,962 tan iyo Oktoobar 7, 2023. Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay maalintaas, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM