Agaasimaha Guud ee Warbaahinta Maamulka Gobolka Banaadir mudane Cabdullahi Wiish ayaa Aqalka dawladda Hoose ee Xamar kusoo dhaweeyay Danjiraha dawladda Sweden u jooga Soomaaliya Joachim Waern.

Agaasimaha ayaa warbixin ka siiyay safiirka hawlaha ka socda waaxda warbaahinta gobolka oo loogu adeego bulshada ku dhaqan caasimada dalka ee Muqdisho.

Danjiraha Joachim Waern ayaa bogaadiyay kaalinta muhiimka ah ay ku jirto warbaahinta gobolka oo ka kooban muuq-baahiyaha, raadiye iyo bara bulshada, waxaana booqasho kooban ku tagyay xafiisyada ay ka socoto shaqada gobolka.

Agaasimaha guud ayaa safiirka guddoonsiiyay abaalmarin dhaqameed, isla markaana uga mahadceliyay booqashadiisa iyo wadashaqaynta beesha caalamka oo ay dawladda Sweden kaalin muhiim ah uga jirto taageerada ay siiso Soomaaliya.May be an image of 3 people, suit and textMay be an image of 3 people, people playing tennis and suitMay be an image of 2 people, suit and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here