Israa’iil ayaa dishay tobanaan qof maalintii la soo dhaafay iyadoo ay sii waddo duqeymaha iyo gubista guryaha ee waqooyiga Qaza ayna duqaymo ku hayso Khan Younis.
Israa’iil ayaa sidoo kale laba qof ku dishay iskuul ku yaalla waqooyi bari ee magaalada Gaza iyo hal qof oo gabaad ka dhiganayay teendho ku taal koonfurta Khan Younis, wakaaladda wararka Falastiin ee Wafa ayaa sheegtay.
Gelinkii hore e Sabtidii, Milatarigu waxa ay koox rayid ah ku beegsadeen Isgooyska Jalaa ee waqooyi-galbeed ee magaalada Qaza, halkaas oo ay ku dileen hal qof oo dumar ah tiro kalena way ku dhaawacmeen.
‘Weerar joogta ah’
Weerarradan ayaa dhacay hal maalin uun kaddib markii Israa’iil ay dishay ugu yaraan 36 qof, oo intooda badan ka soo jeeda qoyska al-Sheikh Cali ee ku jira xerada qaxootiga ee Nuseyrat, taasoo keentay cambaareyn ballaaran.
Waqooyiga Gaza, oo labadii bilood ee la soo dhaafay ay ku jirtay go’doomin adag, ciidamada Israa’iil waxay qarxiyeen dhismayaal waxayna gubeen tobannaan guri oo ku yaal gudaha iyo hareeraha Beit Lahiya iyagoo rasaas ku furaya Isbitaalka Kamaal Adwan, sida uu sheegay Wafa.
Warbixinta ka soo baxday Deir el-Balah, weriyaha Aljazeera Tareq Abu Azzoum ayaa sheegay in kor loo qaaday weeraradii habeen hore lagu qaaday Cisbitaalka Kamaal Adwan, oo u dhow Beit Lahiya, maalintii hore, kaas oo lagu arkay shaqaale caafimaad oo dhaawacmay iyo ambalaas la gubay.
Agaasimihii qaybta daryeelka degdega ah ee isbitaalka ayaa lagu dilay weerar ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn bishii hore.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM