WASHINGTON (DAYNIILE.COM)-Dowlada Mareykanka ayaa si weyn u taageertay soona dhaweysay heshiiska ay Soomaaliya iyo Itoobiya ku gaareen Dalka Turkiga.
Heshiiskaan ayuu Mareykanku xusay in lagu soo afjarayo xiisadda gobolka ee ka dhashay isku dayga Itoobiya ay ku rabto nay marin u hesho badda dalalka deriskeeda sida Somalia.
“waxaan soo dhaweyneynaa heshiiski 11-kii December ee Dowlada Somalia iyo Dowlada Itoobiy ku xaqiijiyeen qarannimada, midnimada, madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dal kasta,” ayuu yiri Antony Blinken oo ah diblomaasiga ugu sarreeya Maraykanka.
Sarkaalkaan Mareykanka u hadlay wuxuu sidoo kale carabka ku dhuftay in dhankooda ay sugayaan wada xaajoodka farsamada ee qeexaya marinka badda ee Itoobiya iyada oo la ixtiraamayo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM