SIAYA (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo deegaanka Gem ee ismaamulka Siaya Dalka Kenya ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay wiil 7 jir ahaa.
Dadka deegaanka oo ka carooday dilka saqiirkaasi loo geystay ayaa gubeen laba guri uu lahaa nin lagu magacaabo Dominic Odhiambo kaasoo ay ku eedeeyeen inuu isagu dilay cunuga.
Booliiska ismaamulka Siaya ayaa wada baaritaano ku aadan sida dilkaasi u dhacay,qofkii ka danbeeyay iyo sababta ku xanbaartay inataba.
Guddoomiyaha tuulada Nyabeda,Tom Aruwa ayaa saxaafada u sheegay in medka wiilka 7 jirka ah laga helay meel kayn ah hal maalin un ka dib markii ay waalidiintiisa sheegeen in ay waayeen canugooda sida ay sheegtay idaacada Star-FM.
Inkastoo wali baaritaanka la sameeyay aaney Dowladu jawaab ka soo celin hadana Guddoomiyaha tuulada Nyabeda,Tom Aruwa ayaa tilmaamay in meydka lagu arkay calaamado muujinaya ceeji in lagu dilay.
Dhanka kale waxaan la heyn oo baxsaday eedeysanaha dilka lagu tuhmayo kaasoo ay raadinayaan ciidamada Booliiska xili meydka wiilka yarna la dhigay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka degmada Yala.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM