Muqdisho, Jimco, 13, December, 2024
1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia oo isku afgartey in meesha laga saaro heshiiskii muranka dhaliyey ee badda Soomaaliya, kuna heshiiyay in la furo bog cusub oo xiriirka laba dal la xiriira.
2-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan gaar ah magaalada Ankara kula yeeshay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayip Erdogan, kana wadahadley xoojinta xiriirka labada dal iyo arrimo kale.
3-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Danjiraha UK ee Soomaaliya, Michael Nithavrianakis iyagoo ka wadahadley la-dagaalanka aragagaxisada iyo hanaanka doorashooyinka tooska ah ee dalka loo qorsheynayo..
4-Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa daahfuray Istaraatiijiyadda Bahda Caddaaladda Soomaaliya ee 2025-2029 oo halku-dheggeedu yahay “Dhismaha Nidaam Caddaaladdeed oo Loo Simanyahay, lehna Daahfurnaan, Helitaan, iyo isla Xisaabtan.”
5-Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa guddi u saaray inuu baaris ku sameeyo nooca xiriir ee ka dhexeeya eedaysane Axmed Madoobe iyo kooxaha Khawaarijta ah, kadib falkii uu ku weeraray deegaanka Raas Kaambooni.
6-Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka 2aad Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa ka qeyb galay xuska Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha iyo sanad guuradii 76-aad ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha.
7-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu.
8-Golaha Aqalka Sare ayaa kulan duco ah u sameeyay Alle ha u naxariistee Senator Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ku geeriyooday dalka Turkiga.
9-Kulan dadweyne oo looga hadlayey arrimaha dastuurka oo ka dhacay Muqdisho.
10-Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleystay in dalka dib loogu soo celiyo 100 dhallinyaro Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay musiibadii doomihii ku qalibmey xeebaha Jaziirada Madagascar.
11-Wasiir Ku-Xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in dowladda Ethiopia ay ka dajisay magaalada Kismaayo laba diyaaradood oo ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya, kuwaas oo siday hub sharci-darro ah.
12-Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige ayaa ka qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Maaliyadda Afrika ( Africa Financial Summit) oo lagu qabtay magaalada Casablanca ee Boqortooyada Morocco.
13-Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa magaalada Muqdisho ka furay Madasha Istaraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo Wasaaraddu Warfaafinta ay martigelisay.
14-Afar cutub oo ka mid noqonayaa ciidamada Gorgor ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa magaalada Isparta ee dalka Turkiga loogu soo xiray tababar.
15-Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo ka qeybgalay madasha Istiraatiijiyadda xiriirka Warbaahinta Soomaaliya ayaa sheegay in warbaahintu kaalin mug leh ka qaadatay dagaalka ka dhanka argagixisada.
16-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mudane Xamza Aadan Xaadoow ayaa kulan la qaatey Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Mr. Manuel Marques Pereira.
17-Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa dalka Imaaratka Carabta uga qaybgalay shirka Guddiga Joogtada ah ee Wasaaradaha Warfaafinta dalalka Carabta.
18-Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Shiinaha Ambassador Hodan Cusmaan Cabdi ayaa magaalada Beijing kulan kula yeelatay Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Shiinaha u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika Ambassador Xue Bing.
19-Safiirka Soomaaliya u fadhiya Uganda Marwo Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa kulan la yeelatay qaar ka mid ah odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Kampala.
20-Wasiirka Arrimaha Gudaha Mudane Cali Yuusuf Cali ayaa guddoomiyey shir looga hadlayey Hannaanka Dhab u Heshiisiinta Qaran,kaas oo hirgelintiisu ay bilaabaneyso sannadka 2025.
21-Banaanbax lagu taageerayo qorshaha Dowladda Soomaaliya ee Jubbaland ayaa ka dhacay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, halkaas oo ay isugu soo baxeen bulshada qeybaheeda kala duwan.
22-Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cismaan Cabdullaai ayaa kulan la qaatay Danjiraha Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Mr. Richard H. Riley.
23-Ergayga Madaxwaynaha Soomaaliya u qaabilsan Xasilinta iyo Ilaalinta Arrimaha Raydka Xildhibaan Cumar Xaashi ayaa si rasmi ah u soo xiray Madasha Qaran ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka kaas oo muddo labo maalin ah ka socday magaalada Muqdisho.
24-Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa soo dhoweeyay isku soo dhowaanshaha Soomaaliya iyo Ethiopia ku dhex marey magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
25-Urur Goboleedka IGAD iyo dalalka caalamka qaarkood ayaa soo dhoweeyay isku dhowaanshaha Soomaaliya iyo Ethiopia
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here