Muqdisho, Khamiis, 12 Diseembar 2024:- Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa ansixiyey heshiis u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Uganda oo ku saabsan ciidamada Uganda ee ka howlgaleya Soomaaliya.
Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo ku saabsan, Shirweynaha Daraasaadka Soomaaliya, amniga, dhaqaalaha iyo dhammeystirka Dastuurka.
DHAMMAAD
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed Jimcaale
Advertisement