ANKARA (DAYNIILE.COM)-Shirkii maanta Magaalada Ankara ee Dalka Turkey ay ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysalwasaaraha Ethiopia ayaa la soo sheegayaa in lagu kala saxiixday heshiis is afgarad ah.

Shirkaan oo uu dhex-dhexaadinaayay Madaxweynaha Turkey ayaa waxaa ka mid ah qodobada ay ku heshiiyeen Somalia iyo Itoobiya In labada dhinac ay tixgeliyaan midnimada iyo madax banaanida dhuleed ee labada dal, In Itoobiya gaarista badda u marto nidaam sharci ah, oo ay kala hadasho Dowladda Soomaaliya.

Advertisement

Sidoo kale waxaa la isla gartay in labada Dal dib isugu soo laabtaan wada-hada bisha February ee sannadka 2025-ka.

Sidoo kale heshiiska Caawa la gaaray waxaa ku jira in mudo afar bilood gudihiisa labada dal gaaraan heshiis buuxa oo lagu soo afjarayo khilaafka labada dal ee ka dhashay heshiiskii Itoojiya la gashay Maamulka Gobolada waqooyi ee Somaliland kaasoo dhacag Bishii Janaayo ee sanadkaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here