Agaasimaha Guud ee HSJ Mudane Axmed Siciid Maxamed oo maanta kulan gaar ah kula qaatay Saraakiisha ka howlgasha xafiiska Baasaboor bixinta ee xarunta shaqaalaha ayaa faray saraakiisha in la dar dargeliyo howlaha baasaboor bixinta isla markaana waxa uu sidoo kale saraakiisha ku booriyay in muwaadiniinta loo fududeeyo adeega loo haayo loona turo dadka jilicsan oo soo doonto adeegga baasaboor bixinta.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ayaa faray saraakiisha in la ilaaliyo habraacyadda shaqada xooggana la saaro hufnaanta iyo isla xisaabtanka howlaha shaqo. Waxa uuna sidoo kale ku booriyay in la ilaaliyo kala dambaynta, anshaxa iyo shaqo wanaaga.

Advertisement

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda waxaa ka go’an in ay bixiso adeeg bulsho oo wax ku ool ah iyadoo la isticmaalayo tiknoolijiyada casriga ah si loo fududeeyo habka casri ah ee adeeg bixinta oo la jaanqaadayo adduunyada kale.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here