Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka daahfuray Shirka Madasha Banii’aadannimada Soomaaliya (CHF) oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka (SoDMA) loogana hadlayo xaaladaha la xiriira arrimaha banii’aadannimada.
Shirkaan waxaa ka qeyb-galaya Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle, wakiilo kale oo ka socda Dowladda Federaalka, wasaaradaha Gargaarka ee dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Khaatumo, Gobolka Banaadir, madax ka socota deeq-bixiyaasha, ururrada maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ah.
Advertisement