RAASKAN-BOONI (DAYNIILE.COM)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Taliyaha ciidanka lugta ee Xooga Dalka Somalia uu maanta gaaray magaalada raaskaanbooni ee gobolka jubada hoose inkastoo xaqiiqo aan loo heyn.
Taliyaha waxaa xamarka raacay ciidamo u badan kuwa nabad sugida iyo Milatariga lamana oga qoshaha uu u tagay raaskan-booni oo hore ay uga taagneyd xiisad dagaal oo u dhexeysa ciidamada Jubaland iyo kuwa Dowlada.
Wararka la xiriirra socdaalka Taliyaha Ciidamada lugta ayaa intaasi ku daraya inuu u geeyay hub culus ciidamada Dowlada ee Raaskanbooni ku sugan.
Socdaalka Taliyaha ayaa ku soo aadeysa xili beri ay ku egtahay waqtigii Axmed madoobe u qabtay ciidamada Dowlada inay uga baxaan Magaalada raaskan-booni,waxaa la hadal hayaa in beri ciidamada Jubaland weerar ku yihiin kuwa Dowlada Somalia.
Taliyaha socdaalkiisa oo aan lagu shaacin warbaahinta Dowlada ayaa dhanka kale lagu wadaa inuu isagu latigiisu ka hadli doono xaalada Jubaland.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement