=XIGASHO BBC SOMALI=
Kahor inta uusan billaaban dagaalka sokeeye ee Suuriya 2011, xiriirka Imaaraadka iyo Suuriya waxaa lagu sifeeyay iskaashi dhaqaale, isweydaarsi dhaqameed, iyo iskaashi diblomaasiyadeed.
Labada dal ayaa xubin ka ah ururka Jaamacadda Carabta, waxayna inta badan ku heshiiyaan siyaasadahooda arrimaha quseeya dalalka Carabta.
Xiriirka dhaqaaluhu wuxuu ahaa mid xoogan, maadaama shirkadaha Imaaraadku ay maalgashadaan hantida maguurtada ah iyo mashaariicda kaabayaasha ee Suuriya.
Imaaraatka Carabta ayaa sidoo kale ahaa meel ay maraan qurbajoog badan oo Suuriyaan ah, taas oo xoojisay xiriirka dadka iyo dalka.
Sannadkii 2008-dii, madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad ayaa booqday Abu Dhabi, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda xiriirka labada dal.
Kacdoonkii Suuriya
Tan iyo markii Suuriya uu ka dilaacay kacdoonkii sanadkii 2011, xiriirka Suuriya iyo Imaaraatka ayaa galay isbedel weyn, xilli uuba xiriirkooda si buuxda u go’ay sanadihii u danbeeyay waxaana sii yaraanahay horumarka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeyay Dimishiq iyo Abu Dhabi.
Bilowgii kacdoonkii Suuriya, Imaaraadku waxa uu ka mid ahaa dalalka sida weyn u taageera dalabaadka dadka Suuriya ee xorriyadda iyo caddaaladda bulshada.
Iyadoo ay sii kordhayeen rabshadihii ka socday dalka Suuriya, isla markaana ay billowdeen mawqifyada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee lagaga soo horjeedo nidaamka Suuriya, Imaaraadku wuxuu qaatay mawqif cad oo ka dhan ah xukunka Madaxweyne Bashaar Al-Asad.
Inkastoo Imaaraadku uu ka mid ahaa dalalkii doonayay inay taageeraan shacabka Suuriya, haddana waxay qaateen mawqif ka duwan qaar ka mid ah dalalka Carabta, sida Qatar iyo Sacuudiga, maadaama aysan ku degdegin inay si buuxda u taageeraan mucaaradka hubeysan, balse ay door bidayaan, oo ay taageerayaan xalalka siyaasadeed ee dammaanad qaadaya midnimada Suuriya.
Sanadkii 2013, Imaaraadku wuxuu u muuqday inuu bilaabay inuu ogaado in ku lug lahaanshaha militariga iyo taageerada aan xadidnayn ee mucaaradka ay horseedi karto qalalaase weyn oo ka dhaca gobolka, taas oo u horseedaysa in ay qaataan siyaasad cabbir iyo taxadar leh halkii ay taageeri lahaayeen mucaaradka.
Dalalkii ku soo biiray dagaalka Suuriya
Sannadkii 2014-kii, xaaladda Suuriya aad ayay isu beddeshay kaddib markii kumannaan dagaalyahanno shisheeye ah ay ku soo qulquleen dalkaas, colaaddana waxay noqotay mid sii cakiran oo ay ka curteen kooxo xagjir ah sida dowladda Islaamiga ah.
Markii uu khilaafku sii xoogaystay, waxaa ay si cad u soo shaac baxday in faragelinta milateri ee dibadda, ha ahaato Iran, Turkiga iyo xataa Ruushka, ay bilaabeen inay khatar ku yihiin ammaanka gobolka.
Dhanka kale, Imaaraatka Carabta ayaa qaatay go’aan cusub oo istiraatijiyad ah, si ay u taageeraan xasiloonida Suuriya ee xukunka Bashaar Al-Asad, iyagoo isku dayaya inay ka hortagaan faafitaanka saameynta xoogagga ay u arkaan inay khatar ku yihiin.
Sannadkii 2018-kii, Imaaraadku wuxuu go’aansaday inuu dib u furto safaaraddiisa caasimadda Suuriya ee Dimishiq, taas oo ahayd tallaabo siyaasadeed oo cajiib ah oo muujinaysa isbeddel aasaasi ah oo ku yimid siyaasaddiisa ku wajahan Suuriya.
Tallaabadan ayaa ahayd mid si maldahan loogu dhawaaqayo aqoonsiga Imaaraatka Carabta ee maamulka Suuriya “taas oo qayb ka ah dadaallada lagu xaddidayo saameynta Iran ee gobolka.”
2019, waxa uu ahaa sanad isbedel ku yimid xiriirka Suuriya iyo Imaaraadka, iyadoo Imaaraadka uu bilaabay inuu furo albaabada iskaashiga ee Dimishiq, heerar kala duwan.
Marxaladaas, Imaaraadku waxa uu ujeedkiisu ahaa inuu abuuro isu dheelli tirnaan gobolka isagoo xoojiyey xiriirka uu la leeyahay Suuriya oo dhinac ah, iyo mowqifkiisa ku wajahan quwadaha gobolka sida Turkiga iyo Iran.
Sannadkii 2020-kii, iskaashiga Imaaraatka iyo Suuriya wuxuu bilaabay inuu yeesho dabeecad dhaqaale oo muuqata, iyadoo shirkadaha Imaaraadku bilaabeen inay isku fidiyaan gudaha Suuriya, gaar ahaan dhinacyada saliidda iyo dib u dhiska, Dimishiq waxay filaysay in Imaaraadku door weyn ku yeelan doono dib u dhis wixii ku burburay dagaalka.
Balse is bedelka ugu weyn ee xiriirkaas ayaa dhacay sanadkii 2022-kii, markaas oo Madaxweyne Bashaar Al-Asad uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Imaaraadka Carabta markii ugu horeysay tan iyo markii uu dagaalka bilowday.
Booqashadaas ayaa ahayd tillaabo weyn oo loo qaaday sidii loo soo celin lahaa xiriirka labada dal, iyadoo Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan oo xilligaasi ahaa dhaxal sugaha Abu Dhabi uu soo dhaweeyay Al-Asad, wuxuuna carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah ee dhinacyada kala duwan oo ay ka mid yihiin dib u dhiska iyo iskaashiga dhaqaale.
Sanadihii la soo dhaafay, Imaaraadku wuxuu ka mid noqday wadamada sida firfircoon uga qayb qaadanaya dib u dhiska Suuriya, iyaga oo bixiyay taageero maaliyadeed iyo mid farsamo oo dhinacyo kala duwan ah, oo ay ku jiraan kaabayaasha iyo tamarta.
Caqabadaha
Inkasta oo ay jiraan mashaariic dhaqaale oo waawayn, dhanka kale caqabadda ayaa ah in dib loo soo dhiso dowlad awood leh si ay uga baxaan cunaqabateynta reer galbeedka ee weli saaran, taas oo laga yaabo inay caqabad ku tahay awoodda Dimishiq inay si buuxda uga faa’iideysato taageerada Carabta.
Waxa kale oo jiray arrimo la isku khilaafay, oo ay ugu muhiimsanaayeen arrinta ku saabsan ganacsiga “Kabtagon” oo saamayn taban ku yeeshay sumcadda xukuumadda Suuriya ee dalalka Carabta, gaar ahaan dalalka Khaliijka.
Imaaraadku waxa uu ka mid ahaa dalalka bilaabay in ay ka walaacaan baaxadda ganacsiga daroogada ee sii mara Suuriya.
Sidoo kale, xulafada dhow ee Suuriya ay la leedahay Iran ayaa walaac ku beertay Imaaraadka Carabta, iyadoo Abu Dhabi ay u aragto saameynta Iran ee Suuriya inay khatar ku tahay ammaanka gobolka, gaar ahaan dalalka Khaliijka.
Imaaraadku ayaana doonayey in uu helo dheeli tir dublamaasiyadeed oo waafaqsan danihiisa istiraatijiyadeed, maadaama uu isku dayey in uu hubiyo in mawqifyada uu ka qaato nidaamka Suuriya aanay si buuxda ula socon xulafada ay la leeyihiin quwadaha waaweyn sida Maraykanka ama Sucuudiga.
Isbadaladii Carabta
Bilowgii 2024-kii, Imaaraadka wuxuu door muuqda ka qaatay dib u soo celinta Suuriya ee ururka jaamacadda Carabta.
Bishii Maajo 2024, Suuriya waxay ku soo noqotay Ururka Jaamacadda Carabta in ka badan 10 sano oo ay saarnayd xannibaad xubinnimadeeda ah.
In kasta oo tallaabadaas ay dhaleecayn kala kulmeen qaar ka mid ah quwadaha reer galbeedka, kuwaas oo u arkayay in isu soo dhawayntaasi ay xoojin karto maamulka Suuriya, iyadoo aan wax horumar ah laga gaarin xallinta mushkiladda Suuriya, haddana Imaaraadku waxa uu tallaabadan u arkay fursad uu Dimishiq dib ugu soo celinayo Carabta.
Bishii May ee la soo dhaafay, dawladda Suuriya waxay taageertay bayaan ka soo baxay shir madaxeedkii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Baxrayn oo qeexaya xoojinta “madaxbanaanida Imaaraadka Carabta ee saddexda jasiiradood” ee Khaliijka, iyada oo la tixraacayo jasiiradaha Abu Muusa iyo Weyn iyo Kayar. Tunb. Mawqifkan ayaa ka cadhaysiiyay warbaahinta Iran.
Horumarkii dhawaa
Maalmihii la soo dhaafay xoogaga mucaaradka Suuriya ayaa guulo la taaban karo ka gaaray goobaha ay ku sugan yihiin, waxaana ka mid ah in ay la wareegeen magaalooyin istiraatiiji ah sida Xalab iyo Xama.
Sidaan oo kale, Imaaraadku wuxuu muujiyay taageerada uu u hayo madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad, sida uu madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheikh Mohammed bin Zayed Al Nahyan u sheegay madaxweynaha Suuriya mar uu taleefoon kula hadlay.
Dhanka kale waxa uu carabka ku adkeeyay mawqifka Imaaraatka Carabta ee taageeraya dhammaan dadaallada lagu doonayo in xal nabadeed loogu helo dhibaatada Suuriya, si loo gaaro himilooyinka dadka walaalaha ah ee Suuriya ee xasilloonida iyo horumarka iyo dammaanad qaadka midnimada iyo madaxbannaanida Suuriya, dhulkeeda oo dhan.
=XIGASHO BBC SOMALI=