Dhallinyaro Soomaaliyeed oo tahriib ahaa oo laga sii daayay Suudaan.

Siihayaha Safaaradda Soomaaliya ee Portsudan Mudane Axmed Suudaani ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Portsudan ka sagootiyay dhallinyaro Soomaaliyeed oo muddo 3 bilood ah ku xirnaa xabsiyo ku kala yaalla magaalooyinka Dungula iyo Gadaarif.

Advertisement

Dhallinyaradan oo tiradoodu tahay 22 (17 wiilal ah iyo 5 gabdhood) ayaa markii hore la qabtay iyagoo ku socda qaab tahriib ah.
Sii deynta dhallinyaradaan waxaa suurto galiyay Hay’adda IOM oo kaashanaysa xafiiskeeda ka hawlgala Portsudan.

Waxaa sidoo kale weli gacanta hay’adaha amniga ee dalka Suudaan ku jira saddex qof oo dhallinyaro ah kuwaas oo baaritaan uu ku socdo, waxaana la rajeynayaa in si dhow loo soo daayo si ay ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here