Shirka Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliya oo galay maalintii Labaad, waxaa hoolka shirka kusoo biiray Wasiiro ka tirsan Xukuumada fadaraalka Soomaaliya.
Wasiirada ku soo biiray shirkaana waxaa ka mid ah Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabduqaadir Mohamed Nor, Wasiirka Qorshaynta XFS Maxamuud Beenebeene, Wasiirka Isgaarsiinta Mohamed Soomaali, Wasiirka Qoyska Bashiir Mohamed Jaamac Goobe, Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Al-cadaala, madax ka tirsan dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir, wakiilo ka socda beesha caalamka iyo marti kale.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdirahmaan Yusuf Al-Cadaala oo hadalo ka jeediyay shirkaan ayaa daboolka ka qaaday in sanad iyo barkii lasoo dhaafay xukuumadu xoogga saartay sidii loo mideyn lahaa farriimaha Dowladda iyo jihaynta shacabka Soomaaliyeed.
āGuulaha laga gaaray dagaalka Khawaarijta, warbaahintu waxa ay ka qaadatay door muhiim ah maadaama ay soo bandhigtay boobka ay dadka u geysteenā ayuu yiri Wasiirka GaashaandhiggaĀ Cabdulqaadir Maxamad Nuur oo isna hadalo ka jeediyay mashaan.
Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Wakiilka ATMIS ee Soomaaliya kaasoo sheegay in horumarinta iyo midaynta xiriirka Warbaahinta ay muhiim u tahay ka hortagga been abuurka Alshabaab ay ku marin habaabinayaan bulshada.