DIMISHIQ (DAYNIILE.COM)-Waxaa is badal xoog leh uu saaka ka dhacay dalka Suuriya oo mudana dagaalo ka socdeen kadib markii Madaxweyne Bishaar Al-Asad uu saaka isaga cararay dalkaasi kadib markii ay caasimada qabsadeen kooxaha mucaaradka.
ucaaradka hubeysan ee Suuriya ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ay qabsadeen magaalada caasimadda ah ee Dimishiq, madaxweyne Bashaar Al-Asadna uu isaga cararay dalkaas.
Taliyaha Hayat Tahrir al-Sham, Abu Mohammed al-Julani, ayaa sheegay in dhammaan hay’adaha dawliga ah ay sii ahaan doonaan korjoogteynta ra’iisul wasaaraha Al-Asad ilaa inta si rasmi ah looga wareejinayo.
Ku dhawaaqistan ayaa ku soo beegmaysa saacado kadib markii kooxaha mucaaradka ay qabsadeen magaalooyin dhowr ah oo ay weerar adag ku qaadeen.
Bishaar Al-asad iyo aabihiis isu geyn waxay dalka Suuriya xukumayeen 50 sano balse saaka oo ah 8_da Biha December 2024 waxaa gabi ahaanba soo idlaaday xukunkii reer Asad waxaan lagu wadaa in Dowlad cusub ay ka hana qaado Suuriya oo ay dagaaladu naafeeyeen dhan kasta,lamana saadaalin karo inta ay ku soo kaban karaan.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM