RAASKAN-BOONI (DAYNIILE.COM):-Waxaa soo baxaya warar ay baraha bulshasda ku faafiyeen taageerayaasha Madaxweynaha Maamulka Jubaland ee Axmed Madoobe kasoo sheegaya in ciidamo reer Jubaland ah islamarkaana dhawaan ku biiray Dowlada ay dib uga soo laabteen Magaalada Raas-kanbooni.
Wararkaasi waxay tilmaamayaan in ciidamadii ugu badnaa ay caawa ka baxeen Raaskambooni kuwaasoo dhanka Kismaayo u soo ruqaansaday sida ay sheegayaan.
Gudoomiyihii hore ee Raaskan-booni Maxamuud Fanax ayaa la sheegay inuu ciidamada inta badan ku tashkiiliyay ama lacag ku qaatay sidii ay dhanka Dowlada mari lahaayeen.
Ciidamadaan ay sheegeen inay dib uga soo baxeen kuwa Dowlada ayaa la sheegay inay ka soo tageen kuwa Dowlada taageersan ee Raaskan-booni iyadoon la ogeyn.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Â
Advertisement